Ciidanka Xoogga Dalka oo qaraxyo ka soo qabtay howgal ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan

 


13-Sep (Murcanyo Media) -Ciidanka Kumaandooska Xds ee Gor Gor gaar ahaan Ururka 8-Aad ee XDS ayaa Howlgal miino baaris ah ka sameeyay Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhexeeysa Magaalooyinka Beladweyne iyo Buulo-buede.

Ciidanka ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lahelay, Aafar Irdoodka, Ceelow cusub, Xujuub, iyo Waddooyinka gala Magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen inay soo saaraan Miinooyinkii lagu aasay wadada dhinaceeda, iyaga oo qarxiyay.

Taliyaha ururka 8-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay Miinooyinka ay wadada ku aaseen Al-shababaab, isla markaasna ay ka saareen.

Post a Comment

Previous Post Next Post
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halka taabo si aad iila sii hadasho...
Youtube Channel Image
MURCANYO MEDIA Subscribe saaro si aad u hesho Wararkii ugu danbeeyay ee dalka iyo dibadaba
Subscribe