Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka takhalusaysa difaaceeda ruug-caddaaga ah ee Gerard Pique oo ay burburinayso heshiiskiisa, kaddib markii loo dejiyey xeelad lagaga saarayo Camp Nou oo hore loogu khiyaameeyey.
Pique oo ay da’diisu tahay 35 jir ayaa ogolaaday inuu mushahar dhimis weyn sameeyo xagaagii tegay si uu uga caawiyo kooxdiisa in ay diiwaangelin karto toddobadii ciyaartoy ee cusbaa ee ay lasoo wareegtay, hase yeeshee taasi uma dammaanad-qaadayso inuu sii joogayo Camp Nou iyo inuu dhamaysanayo heshiiskiisa intaba.
Bishii July ayaa la sheegay in Xavi Hernandez uu u sheegay Gerard Pique in ay u fiican tahay in uu iska tago, laakiin difaacan ayaa xataa soo jeediyey in uu si bilaash ah ugu ciyaari doono kooxda si uu uga caawiyo inay diiwaangeliyo ciyaartoydeeda cusub.
Sida uu qoray wargeyska Sport, heshiiskii ugu dambeeyey ee Barcelona ay la gashay Gerard Pique ayaa waxa ku jiray qodob dhigaya, in heshiiskiisa la kansali karo haddii uu ciyaari waayo 35 boqolkiiba kulamada kooxdiisa, taas oo ay muuqato in laga sii shaqaynayo maadaama kaydka lagu hayo oo ay laga doorbidayo ciyaartoyda kale ee difaaca ah ee uu Xavi haysto.
Xavi ayaa doonaya inuu isticmaalo afarta difaac dhexe ee Jules Kounde, Ronald Araujo, Andreas Christensen iyo Eric Garcia oo dhamaantood xulashada kaga horreeya Pique, waxaanay u muuqataa in aanu awoodi doonin in la uu ciyaari doono 35% kulamadaas oo kaydka lagu haynayo, si ay kooxdu u fulin karto qodobka u ogolaanaya inay heshiiska laacibkan kansasho.
Inkasta oo ay waqti hore tahay oo wali xilli ciyaareedku aanu dhoweyn, haddana Pique oo siddeed horyaal oo LaLiga ah kula guuleystay Barcelona ayay yar tahay fursadda uu ku buuxin karayo shuruuddaas.
Pique ayaa isu-geyn u saftay Barcelona 600 ciyaarood oo uu kula guuleystay 30 koob oo dhamaan tartamada ah.
Post a Comment