Manchester United ayaa suuqii xagaaga ee xidhmay ka samaysay lix saxeex balse ciyaartoy kale kooxdeeda ku soo kordhin karta iyadoo haatan suuqu xidhan yahay waana daafaca midig ee reer Colombia ee Santiago Arias.
Suuqii koowaad ee uu Manchester hoggaamiyo tababare Erik Ten Hag ayaa ahaa mid ay lasoo saxeexdeen xiddigaha kala ah Casemiro, Lisandro Martinez, Antony, Christian Eriksen, Tyrell Malacia iyo Martin Dubravka.
Kaddib laba guuldarro oo ay xilli ciyaareedkan ku furteen ayay Red Devils gadaal kasoo fiicnaadeen iyagoo afar kulan xidhiidh u badiyay isla markaana haatan saddex dhibcood u jira hoggaanka.
Sida haatan uu sheegayo il-wareedka FOX Sports, Manchester ayaa xiiso u muujinaysa Santiago Arias oo haatan xor ah kaddib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay Atletico Madrid isaga oo koox la’aan ahaa bilihii ugu dambeeyay.
Manchester ayaa doonaysa inay booska daafaca midig Arias kula tartansiiso Diogo Dalot kaddib markii ay cadaatay in Ten Hag uusan wax qiimayn ah u haynin Aaron Wan-Bissaka.
Ten Hag ayaa habeen hore ka dhaartay inuu xataa bedel ku keeno Wan-Bissaka kulankii Real Sociedad ee Europa League isaga oo markii uu bedelay Dalot daafaca midig u wareejiyay Victor Lindelof oo asal ahaan daafac dhexe ah.
Red Devils ayaa amaah ku diray Ethan Liard oo daafac midig ah halka Brandon Williams uu wali kooxda joogo balse safka kooxda ka maqan yahay.
Post a Comment