Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa doortay xiddiga ugu adag ee uu qaab hal-ka-hal ah ugaga hortagay daafaca waayihiisa ciyaareed.
Neymar oo caan ku ah inuu farsamooyin iyo farshaxan kala duwan ku kadeedo daafacyada gaar ahaan kuwa garabka midig ayay adagtahay in la helo ciyaaryahan booskaas ah oo celiya.
Neymar oo uu il-wareedka DAZN waraysi ka qaaday ayaa la weydiiyay su’aalo badan oo degdeg ah wuxuuna u doortay daafaca ugu adag ee uu wajahay Kyle Walker oo Man City ka tirsan.
“Walker, isagu waa mid dheereeya, xoogan oo caqli badan” ayuu yidhi 30 sano jirka Paris oo ka jawaabayay su’aasha lagu weydiiyay waraysigaas.
Walker iyo Neymar ayaa iska hor yimid afar kulan, ugu horreynba waxay wada ciyaareen kulamadii afar dhammaadka Champions League ee 2020-21 oo ay Man City labadii kulan isku weyn 4-1 ku adkaatay.
Markale xilli ciyaareedkii tagay ayay iskaga horyimaadeen wareega Group-yada oo ay labadii kulanba si wadajir ah u kala aargoosteen.
Neymar iyo Walker ayaa dhammaan afartaas kulan kusoo bilawday balse xiddigii hore ee Barcelona ayaa awoodi waayay inuu hal gool amaba hal caawimo sameeyo.
Walker ayaa mudada uu Man City joogay muujiyay sababta ay kooxdiisu 50 Milyan oo pound ugu soo iibsatay sanadkii 2017 isaga oo lix gool iyo 17 caawimo ugu soo sameeyay 222 kulan.
Post a Comment