Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa loo sheegay in uu usoo laabanayo mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee dhaawaca kaga maqnaa, xilli ay kooxdiisu la dhibaatoonayso niyad-jabka guul-darradii kasoo gaadhay Napoli oo Arbacadii kusoo xasuuqday 4-1.
Liverpool ayay tiro ciyaartooyo ah xilli ciyaareedkan kaga maqnaayeen dhaawac, waxaana u badnaa khadka dhexe oo maalmo ka hor uu liiskaas galay Jordan Henderson, taas oo ku qasabtay kooxda inay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ay la saxeexdaan Arthur Melo oo ay amaah kaga soo qaateen Juventus.
Kabtanka ayaa maqnaanaya ku dhowaad bil, sidoo kalena Oxlade-Chamberlain ayaa toddobaadyo kale bannaanka sii ahaan doona, halka Curtis Jones uu mar kale dhaawacmay isaga oo muddo dheer kaddib tababarka kooxdiisa bilaabay toddobaad ka hor.
Maalmo kaddib markii uu soo laabtay Thiago Alcantara, Liverpool ayaa rajaynaysa in ay soo dhoweyso kubbad-sameeyaha reer Guinea ee Naby Keita oo horumar weyn ka sameeyey kasoo kabashada dhaawacyada uu la daalaa-dhacayay.
27 jirkan ayaa oo muruqa dhaawac kasoo gaadhay isaga oo tababarka ku jira, isla markaana aan wali hal daqiiqo dheelin xilli ciyaareedkan, ayaa si lama filaan ah loogu daray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Guinea ee kulamada caalamiga ah ee dhamaadka bishan, waxaana uu tababaraha dalkiisa ee Kaba Diawara uu sheegay in Naby Keita uu usoo kabanayo si ka degdeg badan sidii ay filayeen, isla markaana uu kasoo horreyn doono waqtigii markii hore la qiyaasay.
-Naby wuu dhaawacan yahay, laakiin suu soo kabanayaa, xaaladdiisuna waxay samaynaysaa horumar, xataa wuxuu kasoo horreyn doonaa waqtigii la filayay.- Ayuu yidhi tababare tababare Kaba Diawara
“Xaaladdiisa si dhow ayaanu ula soconaa. Laba toddobaad ayaa ka hadhsan ciyaartayada koowaad, waxaana jiro fursado aanu dib ugu helayno.”
Inkasta oo Liverpool ay ka cadhootay in Naby Keita lagu daro xulka qarankiisa isaga oo dhaawac ah, haddana warka ah in uu kasoo kabanayo dhaawaca ayaa far-xad badan u ah.
niyad-jabka guul-darradii kasoo gaadhay Napoli oo Arbacadii ku soo xasuuqday 4-1.
Post a Comment