Carmo waa degmo ku taallo Gobol Bari ee dhinaca waqooyi bari ee dalka Soomaaliya. Degmadaan waxay magaalamadaxda Boosaaso u jirtaa in ku dhow 100km.
Carmo.waxaa kaloo loo yaqan Guryasama. Luqada engiriska waa Armo. Carmo waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu koridda badan sanadaha burburka Soomaaliya, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn degmooyinka gobolka Bari marka laga reebo Boosaaso Iyo Qardho. Waa magaalo aad u soo koreysa. Waxay leedahay Carmo cimilo aad wanagsan. Waxaa degmadaan ku taal Xarunta Tababarka Booliiska (Armo Police Academy) oo ah meel lagu tababaro booliiska Soomaaliya, ayna ka soo baxeen ciidamo aad u tababaran tobankii sano ee u dambeysey. Carmo waxaa soo maray 5 guddoomiye. Gudoomiyihii u horreeyey waxaa la oran jiray, Allaha u naxaristee, Salaad Cali Hogato (salaad jodhaa). Waxaana ka dambeeyey 4 guddoomiye. Carmo waa magaalo ay mar walba dacwada diinta islamka laysku baraarujiyo magaaladu waxa ay ka koobaa ntahay 9 xaafadood kuwaas oo kala ah
1.Waaberi1
2.Daruuraha 3.Laanbarwaaqo.
4.Farboocle.5.Golis.
6.Durdur.7.Reebi.
8.Waaberi2 9.Baxaya.
Post a Comment