13-Sep (Murcanyo Media) - Bayern Munich ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Barcelona kulan lagu sifayn karo midka ugu weyn ee dhammaan heerkan Group-yada ee Champions League oo dhan.
Barcelona ayaa u socota inay iska soo maydho ceebihii waaweynaa ee ay kooxda ree Germany kala soo kulmaysay sanadihii ugu dambeeyay.
Bayern ayaa laba guuldarro oo min 3-0 ah u xambaarisay Barcelona xilli ciyaareedkii hore oo ay sidan oo kale isku Group u ahaayeen halka ay hal lug 8-2 uga adkaadeen Champions League 2020.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Nagelsmann ayay kooxdiisa Bayern ka maqnaan doonaan Kingsley Coman iyo Bouna Sarr balse inuu nasiyay xiddigo muhiim ah kulankii Stuttgart ayaa ka dhigan inuu shax xoogan ula diyaar yahay Blaugrana.
Benjamin Pavard iyo Lucas Hernandez ayaa la filayaa inay daafaca Bayern kusoo bilawdaan iyagoo boosaska kala baxaya Dayot Upamecano iyo Noussair Mazrazoui.
Leon Goretzka oo Sabtidii ciyaaray ayaa loo badinayaa inuu keydka fadhiisan doono isagoo lagu bedelayo Sabitzer halka Serge Gnabry soo gali doono booska Coman ka maqan yahay.
Xavi ayaa dhinaca Barcelona safkiisa kulankan dib uga wacay xiddiga boosaska badan qabta ee Sergi Roberto. Tababaraha ree Spain ayaa haysta saf dhammaystiran oo caafimaad qaba.
Kounde ayaa la filayaa inuu daafaca midig kusoo bilawdo markale iyadoo Alba khibrad kaga soo hormarayo booska daafaca bidix da’yarka Balde.
Raphinha iyo Dembele ayaa lagu wadaa inay weerarka ku caawiyaan Robert Lewandowski halka Gavi iyo Pedri ka horreyn doonaan Sergio Busquets.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Bayern Munich (4-2-3-1) – Neuer; Pavard, De Ligt, Hernandez, Davies; Kimmich, Sabitzer; Gnabry, Muller, Sane; Mane
Barcelona (4-3-3) – Ter Stegen; Kounde, Araujo, Garcia, Alba; Gavi, Busquets, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Dembele
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Allianz Arena
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Post a Comment