DANI OO MAGACAABAY XUBNO CUSUB OO KA MID NOQONAYA GOLAHA WASIIRADA DPL.

 

10-Sep2022 (Murcanyo media)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland 

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo. 

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.


Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha 

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Post a Comment

Previous Post Next Post
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halka taabo si aad iila sii hadasho...
Youtube Channel Image
MURCANYO MEDIA Subscribe saaro si aad u hesho Wararkii ugu danbeeyay ee dalka iyo dibadaba
Subscribe