Dembiilayaasha ayaa la sheegay inay u dileen taleefankeeda dartii, kaasoo ay damceen inay ka qaataan. Markii ay la qabsatay teleefankeeda, ayaa kooxihii dilka geystey ay toogteen.
Kooxdan oo la sheegay in ay adeegsanayeen Mooto Bajaaj ayaa durba goobta ka baxsaday.
Ciidamada amaanka ayaana goobta tegey wax yar kaddib markii uu falku dhacay balse sidii inta badan caadada ahayd uma suurta gelin in ay gacanta kusoo dhigaan dembiilayaasha.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa ku soo beegantay xilli ammaanka Muqdisho uu soo hagaagayey kaddib markii mas’uuliyada amniga lagu wareejiyey ciidamo si gaar ah u tababaran islamarkaana hubka oo laga mamnuucay gudaha xadka magaalada.
Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxa ay weli la daalaa dhacaysaa kooxo dhallinyaro ah oo loo yaqaan “Ciyaal Weero,” kuwaas oo kasoo baxay xaafadaha magaalada. Kooxahan ayaa gaysta falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dhac, baad iyo ka ganacsiga maandooriyaha, iyagoo inta badan adeegsada hubka sida mindiyaha, baangado, iyo hub kale oo ka daran.
Post a Comment