Muxuu Ku Salaysan yahay Khilaafka Soo dhexgalay Madaxwayne Dani iyo Wasiir Juxa

 

4-May -2023 (Garowe)  Khilaaf xooggan ayaa sida wararku sheegayaan ka dhex aloosan madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa. 

Wasiir Juxaa ayaa ka horyimid qorshe uu madaxweyne Deni ku raadinayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod. 


Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale isu diyaarinaya in uu xilka qaadis kaga jawaabo diidmada wasiir Juxa ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka. 


Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu maalmaha soo socda xilka qaadis ku samaynayo wasiir Juxa islamarkaana booskiisa u magacaabayo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Post a Comment

Previous Post Next Post
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halka taabo si aad iila sii hadasho...
Youtube Channel Image
MURCANYO MEDIA Subscribe saaro si aad u hesho Wararkii ugu danbeeyay ee dalka iyo dibadaba
Subscribe