10 Sep2022 (Murcanyo Media)- Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali Doodisho oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Mubaarak iyo xubno kale.
Mr
Sadiiq ayaa sheegay in goobta ay beegsadeen ku sugnaayeen Dagaalameyaal ka
tirsan Al-shabaab oo isugu jiray Saraakiil iyo Xubno kale, isla markaasna dadka
shacabka ah looga qaadi jiray lacagaha.
Afhayeenka
ayaa qiray dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray weerarka ay qaadeen
Ciidanka, isla markaasna ay hadda wadaan Baaritaano ku aadan sidii loo oggaan
lahaa khasaaraha rasmiga ee gaaray dadka rayidka ah.
Sidoo
kale, waxaa uu tilmaamay Afhayeenka in dad kale oo rayid ah ka badbaadiyeen
goobta uu howlgalka ka dhacay, kuwaasi oo ay lacaga ka aruurinyeen Al-shabaab.
Post a Comment