11-Sep (Murcanyo Media) -Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaannada Gobolka Hiiraan oo weli howlgallo ka wada meelo kamid ah gobolkaas ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen
Xildhibaan Cabduqadir Maxamuud Awbakar Dhagaweyne qaar kamida Hoggaamada
Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Guutada 5-aad iyo Ciidanka
Gorgor ee xooga Dalka soomaaliyeed ayaa gaaray degaanka Xasan Raqay oo lagala
wareegay Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo wada Gulufka Howlgallada ka
dhanka Ah Al-Shabaab ayaa xusay in degaannada lagala wareegay Al-Shabaab laga
abuuri doono Adeegyada muhiimka ah ee Bulshada iyo maamul Dadweyne si Shacabka
u helaan waxyaabo horumarin kara naftooda Maadaama ay dagaal kula jiraan
Al-Shabaab.
Tan iyo markii howlgallada ay ka bilaawdeen degaannada
Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo
iskaashanaya waxa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah oo kuyaalla
Gobolka Hiiraan, iyada oo howlgalalda ay weli ka sodaan Gobolkaas.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaannada Gobolka
Hiiraan oo weli howlgallo ka wada meelo kamid ah gobolkaas ayaa saacadihii la
soo dhaafay waxaa ay howlgallo kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay ku
sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Post a Comment