Ciidanka oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Galgaduud iyo deegaano kale


 11-Sep (Murcanyo Media) - Waxaa weli ka socda degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug howlgallo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & qaar kamid ah dadka degaannada Gobolka Galgaduud oo hubka qaatay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ujeedka saraakiishaan u tageen magaalada Baxdo ayaa ah in xoojiyo dagaalka inta badan ka socda deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee looga saarayo Al-Shabaab oo weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolkaasi Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay taageero u muujin doonto dadka degaannada ee is abaabulay, kuwaas oo la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalada qeyb ka ah Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulka Galmudug & Hir-Shabeelle

Waxaa weli ka socda degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug howlgallo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & qaar kamid ah dadka degaannada Gobolka Galgaduud oo hubka qaatay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ujeedka saraakiishaan u tageen magaalada Baxdo ayaa ah in xoojiyo dagaalka inta badan ka socda deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee looga saarayo Al-Shabaab oo weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolkaasi Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay taageero u muujin doonto dadka degaannada ee is abaabulay, kuwaas oo la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalada qeyb ka ah Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulka Galmudug & Hir-Shabeelle

Post a Comment

Previous Post Next Post
Suaal maqabtaa? Haa haday tahay WhatsApp nagalasoo xariir
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halka taabo si aad iila sii hadasho...
Youtube Channel Image
MURCANYO MEDIA Subscribe saaro si aad u hesho Wararkii ugu danbeeyay ee dalka iyo dibadaba
Subscribe